Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka Afgooye oo qabtay rag caruurta ka ganacsada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka degmada Afgooye ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gal lagu soo qabtay rag la sheegay inay ka ganacsadaaan caruurta yar-yar ee la xado ama la waayo.

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Afgooye, Cabduqaadir Cali Ciid oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay barqanimadii maanta gacanta ku dhigeen labo nin oo la sheegay in xilligaasi ay gacanta kula jireen falka lagu soo qabtay.

Ciid ayaa tilmaamay in raggaasi la qabtay, iyaga oo gabar yar oo muddo la raadinayey gaari ka saaraya goob baabuurta laga raaco oo ku taalla degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragaasi ay qirteen inay ka tirsan yihiin shabakad ka ganacsata caruurta yar-yar, islamarkaana ay ku qaataan lacago boqolaal Dollar ah.

Eedeysanayaasha oo agu xiray saldhigga Booliiska degmada Afgooye ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah, sida ay sheegeen laamaha amniga.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray walaac dhanka caruurta ah oo ka taagnaa meelo badan oo ka mid dalka, kadib markii la waayey caruur badan oo Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this