Deeq A. Posted October 6, 2020 Guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa maanta soo saaray jadwalka guud ee doorashada maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in soo xulista xildhibaanada ay bilaabaneyso 21-ka bishaan October, ayna ku eg-tahay illaa 25-ka isla bishan. Sidoo kale munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa dhaceysa 31-ka bishan October, kadibna waxaa xigi doona doorashada guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle oo la qabanayo 5 illaa 10-ka bisha soo socota ee November. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites