Deeq A. Posted October 6, 2020 Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta furay Kal-fadhiga sadexaad ee golaha wakiilada maamulkaasi, isaga oo khudbadiisa kaga hadlay dhinacyo kala duwan. Ugu horrayn Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyay xaalada Jubbaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay markii dib loo doortay sababta uu ilaa hadda xukuumadda usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubbaland oo dhan ah taas oo illaa hadda guulo la taaban karo laga gaaray. Sidoo kale wuxuu Madaxweynahu sheegay in hada wixii ka dambeeya uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka *****sa himilooyinka shacabka iyo filashada ay ka qaban dowladooda. Waxa kale oo uu intaas ku daray in dhibaatada ka taagan gobolka Gedo ay tahay waxa illaa hadda uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa, islamarkana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan dowlada Federaalka balse illaa hadda ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin. Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka degmada Afmadow, isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada degmooyinka gobolka Gedo. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in arrimaha doorashooyinka heer federaal laga gaaray heshiis rasmi ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo sal iyo tariikh lagu yaqaano ah dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo doorasho dalka u jigaysa wadada hormarka. Ugu danbayntii wuxuu uga mahad celiyay golaha wakiilada shaqooyinka wax-tarka leh ee ay hayaan isagoo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu furan yahay kal-fadhiga saddexaad. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites