Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump oo dib ugu laabtay Aqalka cad kadib markii laga saaray Isbitaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump-1.jpg?resize=640%2C420&ssl=1

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in uu dib ugu noqday Aqalka Cad, ka dib markii markii uu ka soo baxay cisbitaalka militariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland.

Madaxweyne Trump, ayaa halkaas lagaga dawaynayay xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay. Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu farriintiisa Twitter-ka  ku qoray in dadku aysan ka cabsan COVID-19, kaas oo dilay dad ka badan 210,000 kun qof oo Maraykan ah.

Mr. Trump wuxuu sheegay in xaaladdiisa Caafimaad ay wanaagsantahay, waxaana uu gudaha Aqalka Cad galay isago aan xirnayn fool-saab ama (Face Mask).

Kadib markii uu ka soo degay  dayuuraddii wadday, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna wuxu iska bixiyay fool-saabkii wejiga.

Xanuunka Coronavirus, wuxuu dalka Maraykanka ku soo ritay in ka badan 7 malyan oo ruux, waxaan ugu geeriyooday 210, 000 oo qof, sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Trump oo dib ugu laabtay Aqalka cad kadib markii laga saaray Isbitaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this