Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta dowladda oo la sheegay inay u guurtay mid dadweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in warbaahintii dowladda laga dhigay warbaahinta dadweyne oo si siman ugu adeegi doonta bulshada Soomaaliyeed.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo ka qeybgalay munaasabad lagu daahfurayay guuritaanka, ayaa sheegay in warbaahinta dowladdu ay noqon doonto mid taladeeda hadda kadib wax ku yeeshaan bulshadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in warbaahinta gaar ah ee dowlad goboleedyada, iyagana hadda kadib laga dhigay warbaahin dadweyne, ayna hoos iman doonaan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

120956751_352731216148889_62635746322989

 Wasiir Maareeye ayaa xusay in hirgelintiisa guuritaanka warbaahinta dadweyanaha ay qaadan doono muddo sannado ah, daahfurka maantana uu yahay bilow.

Xeerka saxaafadda ee dhawaan saxiixay madaxweyne Farmaajo  qodobkiisa 32-aad ayaa dhigaya in adeegga warbaahinta bulshada ama dadweynuhu ka madax bannaan yahay danaha mas`uuliyiinta dowladda, faragelin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa warbaahinta.

Xeerku wuxuu sidoo kale dhigayaa in warbaahinta dadweynahu ay noqoto mid dhexdhexaad ah, xorna ka ah u xaglin siyaasadeed isla markaana aan buunbuunin u samayn urur siyaasadeed, hay’adaha dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed.

Warbaahinta dowladda ee SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda Sonna, Wargeyska Dalka iyo boggaga Internet-ka ayaa dhammaantood hadda waxay tabiyaan oo kaliya wararka iyo sheekooyinka magac iyo sumcad u yeelaya siyaasadda dowladda iyo madaxda.

PUNTLAND POST

The post Warbaahinta dowladda oo la sheegay inay u guurtay mid dadweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this