Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Cisbitaalka Laga Saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib ugu noqday Aqalka Cad habeenkii Isniinta, ka dib markii markii uu ka soo baxay cisbitaalka millatariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland.

Madaxweynaha ayaa halkaas lagaga daweynayey xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay. Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu fariin dhinaca twitterka ah oo uu soo diray ku qoray in dadku aanay viruska ka cabsan, kaas oo dilay dad ka badan 210 kun qof oo Maraykan ah. Waxa intaas dheeraa in uu Aqalka Cad galay isaga oo aan xidhneyn waji daboolkii.

Ka dib markii dayuuraddii wadday ee Marine One ay ku soo degtay Aqalka Cad, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna iska bixiyey daboolkii wajiga, isaga oo halkaas shaaca ka sheegay “Xaalad wanaagsan baan dareemayaa.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this