Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar Oo Dil Ku Fulisay 13 Xubnood Oo Ku Eedaysnaa Inay Ka Tirsanaayeen Ururka Akhwaanul Musliimiinka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Dowladda Masar ayaa dil ku fulisay 13 Xubnood oo ku eedaysnaa inay ka tirsanaayeen Ururka Akhwaanul Musliimiinka ee dalkaasi lagu mamnuucay.

Telefishanka Watan TV oo xidhiidh la leh ururka Akhwaanu Muslimiinka Masar ayaa bartiisa facebooga ku qoray dilka 13 qof hase yeeshee Wargayska dowladda Akhbar al-Yawm newspaper ayaa daabacay in 4 qof dil lagu fuliyay.

Maaintii Sabtidii wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa dil ku fulisay xubnaha kala Yasser Abasiri oo 49 jir , and Yasser Shakr, 45, labadan nin ayaa la xidhay sannadkii 2013kii waxayna qayb ka ahaayeen banaanabaxyo lagaga soo horjeeday afgembigii Millateri ee xukunka lagaga tuuray madaxweynihii la doortay ee dalkaasi Masar Maxamed Morsi oo sannadkii hore ku geeriyooday Xabsiga.

Dalka Masar waxaa maalmahan ka socda banaanbaxyo lagaga soo horjeedo madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-siiisi. waxaa la xidh-xidhay suxufiyiin iyo bannaanbaxayaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this