Sign in to follow this  
Deeq A.

Is barbardhig Cududa & Awooda Milatari ee Labada Dal ee Dagaalku ka dhex qarxay Azerbaijan & Armenia

Recommended Posts

Deeq A.   

Is barbardhig Awoodaha Milatari ee Labada Dal ee Dagaalku ka dhex qarxay Azerbaijan & Armenia

Dagaalka ka socda gobolka Nagorno-Karabak
Dagaalka ka socda gobolka Nagorno-Karabak

Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ee ku saabsan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh ayaa bilowday horraantii sagaashamaadkii.

Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday.

Wararka ka imaanaya safka hore ee dagaalka Azerbaijan iyo Armenia waxay sheegayaan in dagaalka la isu adeegsanayo taangiyada, madaafiic iyo diyaaradaha dagaalka.

Warbixinno laga soo xigtay ilo madaxbanaan ayaa muujinayaa in sanadihii u dambeeyay ay labadan dal diiradda saareen maalgelinta militarigooda, Azerbaijan waxay hal tallaabo dheertay Armenia marka la eego awoodda militeri.

Labadan dal oo horey uga tirsanaan jiray midowgii Soviet waxay taageero milatari ka heli jireen Ruushka.

Azerbaijan waxay leedahay keyd shidaal, dhaqaale badan ayaa ka soo galaa taas oo u suurogelisay in iskaashi Milatari ay la yeelato waddamo ay kamid yihiin Israa’iil iyo Turkiga.

Dhaqaalaha ku baxa Milatariga

Daraasad uu sameeyay macadka caalamiga ah ee qaabilsan nabadda ee Stockholm (SIPRI) ee fadhigiisu yahay Sweden ayaa muujineysa in dhaqaalaha ku baxay militariga Azerbaijan sanadihii 2009-kii ilaa 2019-kii uu afar jeer ka badan yahay dhaqaalaha la geliyay militariga Armenia.

Sanadahaas, Azerbaijan waxay ku bixisay militarigeeda dhaqaale gaaraya 20 bilyan oo doolar halka Armenia ay gelisay ciidamada xoogga 5 bilyan oo doolar.

Tan iyo sanadkii 2010-kii, waxaa sare u kacayay kharashka ku baxay milatariga Azerbaijan, halka Armenia labadii sano ee la soo dhaafay ay dhaqaale xooggan gelisay xoojinta militariga, balse waa mid aad uga hooseeyo dhaqaalaha ay gelisay xukuumadda Azerbaijan.

Qaar ka mid ah hubka la deegsanayo
Qaar ka mid ah hubka la deegsanayo

Waxaana arrintaas ugu wacan in dhaqaalaha Azerbaijan uu yahay mid xooggan marka loo barbardhigo kan Armenia.

Grigor Atanesian oo ka tirsan BBC-da laanta la hadasho Ruushka ayaa sheegay in Armenia aanay laheyn keyd shidaal isla markaana aanay la tartami karin Azerbaijan gaar ahaan dhaqaalaha ku baxa militariga.

Awoodda Milateri

Ma cadda tayada iyo baaxadda hubka Azerbaijan iyo Armenia, waxaana soo ifbaxaya wararka ah in Milatariga Armenia ay hubkooda u daabulayaan gobolka Nagorno-Karabakh.

Azerbaijan waxay kaalinta 64-aad kaga jirtaa dalalka adduunka ee ugu awoodda badan dhinaca militariga halka Armenia ay soo gashay kaalinta 111-aad, sida ay baahisay hay’adda fahdhigeedu yahay Mareykanka ee Global Fire Power.

Sida laga soo xigtay warbixin la daabacay bishii July, BBC-da laanta la hadasha Ruushka waxay soo xigtay warbixin la soo bandhigay 2016-kii, waxaa lagu sheegay taangiyada dagaalka Azerbaijan ay gaarayaan 314 ilaa 750 halka taangiyada ay heystaan ciidamada Armenia ay gaarayaan 100 ilaa 166.

Diyaaradaha dagaalka ay heysato Azerbaijan waxay ka badan yihiin 100 halka kuwa Armenia lagu qiyaaso 60 diyaaradaha dagaalka ah.

Sanadihii lasoo dhaafay Azerbaijan waxay Ruushka ka soo iibsatay in ka badan diyaaradaha dagaalka MiG-29 iyo 11 Su-25 , sidoo kale Azerbaijan waxay heysataa diyaaradaha dagaalka ah ee kala ah Mi-24 iyo Mi-35 oo lagu sameeyay Ruushka.

.

 

Dhanka kale, Armenia ay haysata diyaaradaha dagaalka nooca Su-30 iyo MiG-29, kuwaas oo ay ka soo iibsatay Ruushka.

Isaga oo la hadlayay BBC-da laanta la hadasha Azerbaijani, Fuad Shahbazov oo ah khabiir qaabilsan arrimaha amniga ayaa sheegay in Armenia ay dagaalka u adeegsatay hub ay kasoo iibsatay Ruushka.

Khuburrada milatariga waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee ka howlgala gobolka Nagorno-Karabakh ay halis ugu jiraan inay burburaan maadama gobolka uu yahay mid buuraley ah. waxay sidoo kale sheegeen inay adagtahay in lidka diyaaradaha laga isticmaalo gobolka.

 

Azad Isazade, oo ka faalooda arrimaha nabadda ee Azerbaijan ayaa BBC-da laanta Ruushka u sheegay “Waa dhul buuraley ah, waxaana adag in la adeegsado diyaaradaha dagaalka ama lidka diyaaradaha, waxaan sidoo kale fahansanahay in muddo sanado ah lagu howlanaa in lidka diyaaradaha laga hirgeliyo gobolka Nagorno-Karabakh, waxaa la soo iibsaday hubka S-400, lamana dhigin gobolka Nagorno-Karabakh, balse waxaa la dhigay gobolka Goris oo ku yaalla xadka si uu ilaaliyo diyaaradaha dul maraya Karabakh”

Wasaaradda arrimaha dibadda Armenia oo dhawaan sheegtay in inay soo riday diyaarad ay leedahay Azerbaijan
Wasaaradda arrimaha dibadda Armenia oo dhawaan sheegtay in inay soo riday diyaarad ay leedahay Azerbaijan

Ilaa iyo haddda lama xaqiijin in Ruushka uu hubka S-400 ka iibiyay Armenia, waxaana la ogaa in Armenia ay adeegsato gantaallada S-300 iyo Tor-M2KM.

Mid kamid ah gawaarida dagaalka ee loo yaqaano UAV ayay labada dhinac isu adeegsanayeen dagaalka, Armenia waxay adeegsaneysay gaariga UAV oo ay iyadu sameysatay halka Azerbaijan ay isticmaaleysay gaariga UAV oo ay ka soo iibsatay Israa’iil.

Dalalka la leh iskaashiga militeri

Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan waxay isku adeegsanayeen hub lagu soo sameeyay dhinaca Ruushka.

Ka dib sanadkii 2016-kii, Azerbaijan waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ku soo iibsaneyso agab Milateri.

Dalalka ay hubkan kasoo iibsadeen waxaa kamid ah Israa’iil iyo Turkiga, sida laga soo xigtay macadka daraasaadka SIPRI, boqolkiiba 17 agabka militeri ay dibadda kasoo iibsatay Azerbaijan waxay ka keentay Israa’iil,.

Sanadkii 2012-kii labadan dal waxay kala saxeexdeen heshiis milAtaeri oo ku kacaya 1.6 bilyan oo doolar, waxyaabaha uu dhigayay waxaa kamid ah in Azerbaijan la gaarsiiyo hubka kala ah UAV, diyaaradaha lidka dagaalka.

Madaxwaynaha Armenia iyo rai'isul wasaaraha Israa'iil
Madaxwaynaha Armenia iyo rai’isul wasaaraha Israa’iil

Azerbaijan waxay leedahay keyd shidaal iyo Gaas kaas oo u suuragelinayo in dalalka qaar ay ka soo iibsato agab milatari.

Armenia waxay qaaday tallaaboyin ay ku xoojineyso Milatarigeeda, Ruushka wuxuu dhawaan siiyay Armenia gantaallada baalistiigga ee Iskender iyo diyaaradaha dagaalka nooca SU-30M.

Atanesyan oo ka tirsan BBC-da laanta la hadasha Ruushka ayaa ka dhawaajiyay in Armenia ay si weyn ugu tiirsan tahay Ruushka gaar ahaan milatariga.

Armenia waxay shaacisay in Raadaarka milatariga ay adeegsadaan ee lagu ogaado diyaaradaha ee ka yiraahdo SWATHI ay ka soo iibsaneyso Hindiya, Hindiya iyo Armenia ayaa dhawaan yeeshay iskaashi dhanka milatariga ah, heeshiiska ay gaareena wuxuu ku kacayaa 40 malyan oo doolar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this