Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’ad Ajnabi ah Oo ku jaha-wareertay warqado Puntland u dirtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’ad Ajnabi ah Oo ku jaha-wareertay warqado Puntland u dirtay

karaash-300x300.jpg
puntland-logg-2.png

Madaxtooyada Puntland, Wasaaraddaha arrimaha gudaha & Qorsheynta oo isku haysta qof noqonaya Lataliye Mashruuc lagu caawin lahaa Barakacayaasha & Qaxootiga.

1- Hay’adda Jarmalka laga leeyahay ee GIZ ayaa mashruuc Barakacayaasha & Qaxootiga ah ka fulin lahayd Puntland, waxayna u baahatay Qof Lataliye ah oo isku xidha Dawladda & GIZ (Puntland ayaa horey ugu fashilantay Mashaariicda GIZ oo uu ka mid yahay jidka isku xidha Garoowe & Gaalkacyo).

2- Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa gudbisay Lataliye ay shaqadan u qortay, waxaana xogta loo gudbiyey GIZ.

3- Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ogaatay warqadda Lataliyaha ee ay dirtay wasaaradda Qorsheynta, waxayna ka daba dirtay warqad kale oo GIZ gaadhtay, laguna dhaleecaynayo Lataliyaha la gudbiyey (Jubba oo horey musuq maasuq oo loogu eedeeyey ahna Agaasimaha guud ayaa warqadda diray).

4- Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa isna markale qoray warqad lagu burinayo tii wasaaradda Arrimaha gudaha, laguna amaanayo Lataliyaha cusub ee la gudbiyey.

Hay’ada GIZ, waxaa hadda gaadhay 3 warqadood oo kawada baxay Puntland, Wasaarad ilaa Madaxtooyo, dhammaantood-na ku wajahan Booska Lataliyaha mashruucan Barakacayaasha Iyo Qaxootiga wax loogu qaban lahaa, kaas oo hadda welwel laga muujiyey.

Tanni waxay muujinaysaa heerka musuq maasuqu ka gaadhay hanaanka Shaqo-helida ee Puntland.

FB_IMG_1601912942601.jpgHalkan ka akhri:-

pl.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this