Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya & Cuba oo ka wada-hadlay dhaqaatiir u afduuban Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada arrimaha dibadda ee dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ka wada-hadlay xaaladda dhaqaatiir muddo sanad ka badan u afduuban Xarakada Al-Shabaab.

Bruno Rodriguez oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Cuba ayaa sheegay in xiriir dhanka telefoonka ah uu la soo sameeyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, islamarkaana ay ka arrinsadeen sidii loo soo bad-baadin labo dhaqtar oo tan iyo 2019-kii gacanta ugu jira dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka uu uga mahadcelinayo taageerada ay la garab taagan tahay Cuba.

“Waxaan telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad Waxaan bogaadinayaa taageerada iyo dedaalada dowladiisa ee damaanad-qaadka sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen dhakhaatiirta. Waxaan adkeynay sii xoojinta xiriirkeena laba geesoodka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Cuba.

Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga soo qafaashay gobolka Waqooyi Bari  Kenya, waxaana tan iyo xilligaas gacanta ku haya Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this