Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo ku dhawaaqay qorshe lagu furayo wadooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe dib loogu furayo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cumar Filish ayaa tilmaamay in jidadka xiran ay dhibaato xoogan ku qabaan shacabka, islamarkaana ay saameysay noloshooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay in qorshaha furista wadooyinkaasi in la fuliyo todobaadkan gudihiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale intaasi ku daray in mudada sanadka ah ee uu xafiiska joogay uu madaxda dowladda ku cadaadinayey in la furo wadooyinka caasimadda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay la qaaday dhagxaantaa lagu gooyey qaar ka mid ah waddooyinka, balse lagu xiray jidad kale oo hor leh, islamarkaana muhiim u ah dadweynaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this