Sign in to follow this  
Deeq A.

Cambaareyn xooggan oo ka dhalatay Xadiis ay si qaldan u adeegsatay Rihanna

Recommended Posts

Deeq A.   

Los Angeles (Caasimada Online) – Cambaareyn xoogan ayaa ka dhalatay kadib markii fanaanadda caanka ka ah Mareykanka iyo caalamka ee Rihanna ay Xadiis ka mid ah kuwa laga weriyey rasuulka SCW ay ku dhex dartay hees ay ku cayaareen gabdho u sameynayey xayeysiinta dhar cuusb ah oo ay soo saartay.

Rihanna ayaa Jimcihii billowday dhar cusub oo ah kuwa ay haweenka hoos ka xirtaan ee nigiska iyo rajasiinka ama loo yaqaan Lingerie, oo loogu magac daray Savage X Fenty Volume 2.

Hase yeeshee xafladda furitaanka ayaa waxaa ku jiray hees lagu magacaabo Doom oo ay ku cayaareen gabdhaha sameynayey xayeysiinta dharka, taasi oo lagu dhex-daray Xadiis.

Codka lagu dhex-daray Heesta ayaa codka Sheekha u dhashay dalka Kuwait ee Mishary bin Rashid Alafasy oo Aqrinaya Xadiiska.

Muslimiin iyo dad aan Musliim aheyn ayaa labaduba cambaareeyey Rihanna oo ay ku eedeeyeen inay xushmad darro weyn ku sameysay diinta Islaamka iyo qoraallada barakeysan ee Islaamiga ah.

Goor dambe ayaa waxaa dhacdadan cudur kaa bixisay gabadha heesta qaadeysa oo lagu magacaabo Chloe.

“Waxaan si qoto dheer raalii gelin uga bixinayaa xadgudubka ka dhashay codadka dheeriga ah ee ku jiray heesta. Codadkan ayaa waxaan ka helay Online, mana ogeyn in laga aqriyey qoraallo Islaami ama Xadiis ah,” ayey tiri.

“Waxaan qaadanayaa mas’uuliyadda buuxda ee ah inaan si wanaagsan isaga hubin erayada aan adeegsaday, waxaan u mahad-celinayaa dadka arrintan ii sharxay.”

Hoos ka daawo codka Xadiiska ee Sheekh Mishary bin Rashid Alafasy iyo heesta lagu dhex-daray oo kasii hooseeya.

Tahu tak kenapa Rihanna trending ? Dia membangkitkan kemarahan orang Islam bila dia pakai track yang ada Hadith alunan (Misyari Alafasy) Versi remix untuk pelancaran pakaian dalam perempuan brand dia tu lah Fenti ke mende apa jadah,ni ayat yang ada dalam lagu ni https://t.co/ZhsgPwJ073 pic.twitter.com/DjnyJ903Uv

— IB (@IBCIG) October 4, 2020

rihanna is responsible for this even if she didn’t choose the music. she hired her team and she must’ve heard the songs beforehand and just because she’s rihanna doesn’t give her a free pass to disrespect a religion pic.twitter.com/V2oZErQhOg

— Maria (@selenarules6) October 4, 2020

The post Cambaareyn xooggan oo ka dhalatay Xadiis ay si qaldan u adeegsatay Rihanna first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this