Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen  Basro iyo Daniga oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba

Deegaanada uu dagaalku ka dhacay oo hoos yimaada degmada Balcad ayaa waxa weli laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah iyo dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya lada dhinac.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this