Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Faafinayay Diinta Kirishtanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Magaalada Hargeysa ku qabtay laba qof oo la sheegay in halkaas ka wadeen faafinta diinta kirishtanka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashanle Sare Faysal Xiis ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka gacanta ay kusoo dhigeen laba qof oo rag ah, kuwaasi oo Caasimadda Somaliland ka waday diinta kirishtanka, kadib markii xog laga helay raggaas.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in ragga lasoo qabtay mid kamid ah uu yaqaano Qur’aanka kariim ah iyo kutubta fiqiga ah, isagoona ku tilmaamay inay yihiin murtadiin doonayay in ay dadka fasahaadiyaan.

Sidoo kale Gaashanle Sare Faysal Xiis ayaa waxaa uu tilmaamay in kiiska labadaas qof loo gudbiyay Maxkamadda Sare Somaliland, waxaana haatan ay ku xidhan yihiin mid kamid ah Xarumaha maamulkaas.

Isaga oo sii hadlaay Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayuu digniin u diray cad kasta oo xiligaan dooneysa inay diinta kirishtanka ku faafiyo deegaanada Maamulka, wuxuuna carabka ku dhuftay in tallaabo cad laga qaadi doono.

Ugu dambeyn Afhayeen Faysal Xiis ayaa waxaa uu shacabka ku dhaqan Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay kusoo war-geliyaan markii ay arkaan dad faafinaya diinta kirishtanka, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this