Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyneyaashii Mareykanka ee qariyay caafimaad-darradii la soo daristay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyneyaashii Mareykanka ee qariyay caafimaad-darradii la soo daristay?

usa.jpg

Waxay horay BBC-da u werisay in warbaahinta Mareykanka ay sheegeen in Trump uu ogaa in laga helay fayraska corona balse uusan shaacin xanuunkiisa markii uu khamiistii ka soo muuqay warbaahinta Fox News.

Warkaasi ayaa dhaliyay dhaleeceyno walaac abuuray hase yeeshee maamulka madaxweyne Donald Trump mahan maamulkii ugu horreeyay ee shaaciya macluumaad muran dhaliyay oo la xiriira caafimaadka madaxwyenaha.

Madaxweyneyaashii Mareykanka ee qariyay xaaladdooda caafimaad

Sannadkii 1813-kii James Madison ayaa xubnaha Aqalka Congress-ka u sheegay inuusan la kulmi karin balse ma uusan sheegin faah-faahinta xaaladdiisa caafimaad oo waxa uu muddo bil ah la daalaa dhacayay qandho iyo xanuun dhanka mindhicirada caloosha.

Madaxweyne James Madison aad ayuu xanuunsaday oo xitaa waxa uu awoodi waayay inuu akhriyo dukumiintiyadii ay usoo gudbiyeen Congrees-ka.

Sannadka markuu ahaa 1983-dii, madaxweynhii xilligaasi Grover Cleveland ayaa laga daweeyay kansarka afka balse waxa uu doonayay inuu qariyo xanuunkiisa isagoo u baahan qalliin. Si uusan u booqan isbitaalka isagoo ka baqanaya in macluumaadka xanuunkiisa la dusiyo ayaa waxa ay dhakhaatiirta qalliinkii loo baahnaa ku fuliyeen doon uu leeyahay madaxweynaha saaxibkii.

Hase yeeshee kiiska aadka loo yaqaan ayaa malaha ah, madaxweyne Franklin D. Roosevelt oo Mareykanka madaxweyne ka ahaa intii u dhaxeysay 1933-dii ilaa 1945-tii kaasi oo lugaha ka curyaamay laakinse Aqalka Cad ayaa xilligaasi isku dayay inuu dadweynaa ka qariyo dhibaatada curyaanimada ee madaxweyne Franklin.

Iyo xanuunkii John F Kennedy, oo ahaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee Mareykanka abid laga doorto. Waxa ku dhacay xanuunka Addison oo ah xanuun ay sababaan marka ay isdaba maraan hoomoonada jirka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this