Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal leh dastuur aan qorneyn dadkiisuna si Debecsan isu maamulaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dal leh dastuur aan qorneyn dadkiisuna si Debecsan isu maamulaan?

Aqalka looga arrimiyo UK
Aqalka looga arrimiyo UK

Dalal badan oo caalamka ka tirsan ayaa isku maamula dastuur qoran, kaasi oo udub dhexaad u noqda qawaanniinta sharci ee dalka iyo xuquuqda dadka, haddaba maxay tahay sababta UK aanay u laheyn dastuur qoran?

Su’aalaha iyo doodda ku saabsan in UK aanay laheyn dastuur qoran waxay soo ifbaxeen marar badan oo dalka ay ka dhaceen jahwareer xagga siyaasadda iyo dhacdooyin u baahnaa shacri loo laabto, waxaa ugu weyneyd horraantii bishii April ee sanadkan markaas oo Ra’isalwasaaraha Boris Johsnon uu ku dhacay fayraska Korona, isla markaana la iswaydiiyey in haddii uu cudurka ka bogsan waayo waxa dhici doona!

Inkastoo aanu jirin qaanuun qoran oo loo raaco arrintaasi haddana waxaa dadweynaha loogu niyad qaboojiyey in wax u dhigma xeer beeg ay go’aanka leedahay, oo waxaa xilka si ku meel gaar ah u qabtay xoghayaha arrimaha debadda Domic Raab kaasi oo darajo ahaan ah xoghayaha koowaad, waxaase jirtay aragti kale oo ah in haddii ay xaaladda Ra’isalwasaaruhu ka soo reyn waydo ay golaha wasiiradu qof iska dhex dooraan doonaan ka dibna Boqoradu waydiisan doonto in qofkaasi uu soo dhiso dawlad.

Sida uu qabo machadka Institute for Government ee daraasaadka sameeya Ra’isalwasaarayaashu waxay shaqada xafiiska sii wadayaan illaa uu dhimasho ku timaado ama is-casilaad.

Hannaanka sharci isku xukunka UK wuxuu ka mid yahay kuwa dunida ugu faca weyn, waxaaa jira dokumiintiyo loo cuskado qaanuun ahaan oo xilliyada qaar lagu macneeyo dastuur kuwaasi oo soo billowday 1215-kii markaas oo raggi awoodda lahaa ee Barons-ku ay ku qasbeen boqor John in uu aqbalo xeerka loo yaqaan Magna Carte ama xeerkii weynaa ee xorriyada England, kaasi oo xaddidayay awoodda Boqorka, taasi oo ka dhigan in uu u hoggaansamo awoodda dalka.

Xeerka Magna wuxuu kaloo ka macno ahaa in wixii xilligaasi ka dambeeyey dadka xukunka hayaa aanay sameyn karin wax kasta oo ay doonaan.

Sidee dalka shacri loogu hagaa haddii aanu jirin dastuur qoran?

.
Garsoorka UK

Maxamed Ibrahim oo siyaasadda ku bartay UK si weyn ula socda arrimaha siyaasada dalka ayaa sharaxaya;

“Dalka UK ma leh Dastuur qoran laakiin wuxuu leeyahay qodobo badan oo dalka lagu hago, sida aad la socotaan dalkani waa Dimuqraadi intaas oo Xildhibaan ayaa la soo doortaa shantii sanaba mar, dawlad ayaa markaasi ku guuleysata doorashada iyagaa markaa dalka la wareega markaa Baarlamaan cusub ayaa sameysma, Baarlamankaasi cusub marka ugu horreysay sharciyo ayuu sameeyaa, sharciyadaas uu sameeyo ayaa dalka lagu hagaa laguna dhaqaa”

Maxay yihiin dhibaatooyinka & Faa’idada dastuur aan qorneyn?

Dastuur aan qorneyn ayaa abuuraya laba arrin oo saameyn leh oo loo fasarin karo dhibaato iyo faa’ido. Marka hore, way adkeyneysaa in la ogaado waxa dhabta ah ee dastuurka saxda ah uu yahay, tan labaad, waxay tilaamaysaa inay ka sahlan tahay in wax laga beddelo dastuurka UK si ka duwan dalalka kale ee leh dastuur qoran, sababtoo ah xeerarka dambe ayaa waxay wataan dukumiintiyo leh ‘sharci sare’ oo ka dhan ah sharciga qaanuunka caadiga ah iyo tallaabada dawladda lagu tijaabin karo, waana wax la beddeli karo oo keliya, iyada oo loo marayo habab faahfaahsan.

Baarlamaanka UK
Baarlamaanka UK

Dabacsanaanta dastuurka Boqortooyada UK waxay ka muuqataa tirada badan ee dib-u-habeynta dastuurka illaa 1997, oo ay ku jirto baabi’inta inta badan asxaabta dhaxalka ah ee Aqalka Odayaasha, soo bandhigida xuquuqda isku-dhafan ee shakhsiyaadka markii ugu horreysay ee Sharciga Xuquuqda Aadanaha 1998, iyo u-baahinta Scotland, Wales iyo Ireland-ta Waqooyi.

Laakiin muranka, dib-u-habeynta dastuurka ee dhowaanahan ayaa dad badan waxay u arkaan inay dastuurka ka dhigtay mid aan dabacsanaan ka jirin dhinacyada qaarkood, waa wax laga doodi karo, tusaale ahaan, in weligood dib-u-heshiisiinta baahinta xukunka dib looga noqon karo.

LONDON

Yaa Dajiya shuruucda dalka lagu hago?

Baarlamanka oo ka kooban saddex qayb oo kala ah Boqortooyada, Aqalka Xildhibaanada & Aqalka Odyaasha si xeerarku sharci u noqdaan waa inay labada Aqal ay ansixiyaan isla markaana la siiyaa ogolaansho Boqortooyo.

Hab dhaqanka heshiiska xilligan waa in Boqoradu ay isla markiiba siisaa ogolaanshaheeda inkastoo ay leedahay diidmo aan soconeyn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this