Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag faafinayey diinta Kirishtaanka oo lagu xiray magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Booliiska Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyey howlg-gallo ay todobaadkan ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada Hargeysa.

Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi oo ah afhayeenka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in howl-galladaas lagu soo qabtay labo qof oo ka baxay diinta Islaamka, islamarkaana faafinayey diinta Kirishtaanka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in labada qof ee ay ciidamadu xireen ay yihiin kuwo si fiican u yaqaana Qur’aanka Kariimka iyo cilmiga kale ee diinta.

Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in raggaasi ay u gudbiyeen maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, si Cadaaladda loo horgeeyo.

Ugu dambeyn Booliiska Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan falalka noocaas oo kale ah, islamarkaana ay la soo wadaagaan laamaha amniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this