Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan maanta lagu qabtay degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir kulan loogu mahadcelinayay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gargaar bani’aadanimo ka waday maalmahaan degmada Shingaani.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeetti) ayaa uga mahadcelisay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya dardar gelinta howlaha bini’aadanimada.

Guddoomiye Basma ayaa xustay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dhinac iyadoo boggaadisay sii wadida horumarinta iyo gaarsiinta gargaarka dadka danyarta ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this