Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo shaacisay caqabadaha hortaagan doorashadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle oo ka mid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa maanta ka warbixiyey arrimaha doorashooyinka maamulkaasi, kadib wareysi uu siiyey idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Barqadle ayaa sheegay in guddiga farsamada doorashada HirShabelle uu noqday mid fadhiid ah, islamarkaana aanu qaban wax shaqo ah, tan iyo markii la magacaabay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli cidna qaabilin, islamarkaana ay iska joogaan, sida uu hadalka u dhigay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa xusay in uu meesha ka maqan yahay doorkii dowladda dhexe, maadaama uu ku sime yahay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu muddo xileedka baarlamaanka maamulka HirShabelle uu ku egyahay 10 bishan, halka madaxweynahana uu dhacayo isla 15-ka bishan October ee sanadka 2020-ka, haddii aan ka hor lagu dhawaaqin wax is-bedal ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this