Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi ballaaran oo maanta gaaray degmada Afmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ka kooban Xildhibaano iyo gudigga madaxa bannana ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo kamid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Guddoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre iyo Xildhibaan Sahra Dable oo kamid ah golaha wakiilada Jubbaland ayaa qayb ka ah wafdiga iyo xubno kale oo ka tirsan gudiga doorashooyinka.

Madaxdaan ayaa degmada Afmadow u tegay sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha golaha deegaanka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Afmadow7 Afmadow1 Afmadow2 Afmadow3 Afmadow5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this