Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan doorashada oo Muqdisho uga socda DF iyo beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ku saabsan amniga doorashooyinka dalka ayaa ka soconaya xerada Xalane iyadoo la doonayo in laga arrinsado sidii loo qurxin lahaa wakhtiga doorashada ee fooda nagu soo haya.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda dowladda Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir, wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Dowladda Mareykanka.

Waxaa la doonayaa in hay’adaha amniga Soomaaliya ay la wareegaan sugidda amniga goobaha ay doorahsooyinka ka dhacayaan, iyadoo bartamaha bishaan ay bilaaban doonto doorashada aqalka sare.

Bishaan Octoobar ilaa laga gaaro bisha February waxaa socon doonta doorashooyin kala duwan, iyadoo uu jiri doono mashquul badan, waxaana hay’adaha amaanka Soomaaliya laga doonayaa iney sugaan amniga doorashooyinka guud ee dalka.

Warar intaas kasii faah-faahsan lagama helin shirka ka soconaya Xalane, wixii kusoo kordha waxaad kala socon doontaan Caasimadda Online.

The post Shir ku saabsan doorashada oo Muqdisho uga socda DF iyo beesha caalamka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this