Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo mar kale Dubai kula kulmaya Mas’uuliyiinta DP World

Recommended Posts

Deeq A.   
deni-1.jpg?resize=960%2C664&ssl=1Sawir hore, 15 April 2019

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga Carbeed, ayaa lagu wadaa in uu halkaasi kula kulmo mas’uuliyiinta u sarraysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa uga sii gudbay Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ugu muhiimsan in uu la kulmo mas’uuliyiinta Shirkadda DP World.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta DP World kala hadlo, arrinta Dekedda Boosaaso oo aysan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay gacanta ku haysay, islamarkaana ay ciid ka buuxsantay.

Shirkadda DP World, waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay 6-dii April 2017, kaas oo Baarlamaanka Puntland ansixiyay 27-kii July ee isla sannadkaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sano ah maamusho Dekedda Boosaaso.

Nuxurka heshiiska wuxuu ahaa, in muddo laba sannadood gudahood ah Shirkaddu ballaarin iyo casriyayn ku samayso Dekedda, islamarkaana lagu kordhiyo 450 mitir oo ballac ah, taas oo ay ku baxayso lacag dhan $336 malyan oo Dollar.

Mudadii heshiiska ku qornayd in Dekedda lagu dhiso ayaa dhammaatay 6-dii April 2019, iyadoo aysan jirin wax shaqo ah oo laga qabtay dhismaha iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso.

Waxa xusid mudan, in 4-tii February 2019 Boosaaso lagu dilay Madaxii P&O Ports, oo DP World u qaabilsan Dekedda Boosaaso, kaas oo ay dilkiisa sheegatay Al-shabaab.

15-kii April 2019, Madaxweyne Deni oo safar ku tegay magaalada Dubai ayaa halkaasi kula kulmay Madaxa Shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Suleyman, kaas oo ballan-qaaday dardar gelinta dhismaha Dekedda.

Ha yeeshee, sannad iyo lix bilood kadib waxba kama fulin ballan-qaadkaas, waana sababta keentay in mar kale Madaxweyne Deni doonayo in uu la kulmo mas’uuliyiinta DP World, si looga wada-hadlo arrinta Dekedda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo mar kale Dubai kula kulmaya Mas’uuliyiinta DP World appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this