Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin mindi ku hubeysan oo gabar ay kala tageen ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa lagu helayaa dhacdo xanuun badan oo lagu soo wariyey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dilka Allaha u naxariistee marxuumad Zamzam Cabdiwaaxid oo dagneyd xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmadaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa si arxan darro ah u dilay nin ay horey u kala tageen oo ay ka diiday inay isku noqdaan, sida uu sheegay Aabaheed Cabdiwaaxid Daahir.

Dilka ayaa la sheegay inuu ninka u adeegsaday Toorey ama Mindi, wuxuuna dhacay abaare 5:30 galabnimo ee shalay, iyadoona markii dambe la soo qabtay eedeysanaha.

Allaha u naxariistee marxuumad Zamzam oo 29 jir aheyd ayaa ifka uga tegtay labo caruur ah, iyada oo la sheegay in ninka dilay ay dhowaan  kala tageen.

Dhacdadaan murugada leh ayaa si weyn u taabatay ehellada marxuumadda iyo dadkii daris ka la’ahaa oo ka naxay falkaasi argagaxa leh, balse waxaa haatan kiiskaasi baaritaano ku haya hay’adaha amniga oo gacanta ku dhigay eedeysanaha geystay dilkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this