Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo shaacisay inay qabatay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Booliiska magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyey howl-gallo lagu soo qabtay saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaas oo uu talisku ku eedeeyey in falal amniga liddi ku ah ka wadeen gudaha magaaladaasi.

Booliiska ayaa sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay ay ka dambeeyeen falalkii amni darrada ahaa ee ka dhacayey maalmahan magaalada Kismaayo.

“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ayaa xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kuwa ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this