Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo dhagxaanta ka qaaday wadooyinka qaar ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay billowday inay dib u furto wadooyinka magaalada Muqdisho oo xirnaa bilihii la soo dhaafay.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq-dhexe qaaday dhagxaatii horey loogu xiray qaar ka mid ah jidadka waa weyn ee caasimada.

Meelaha dhagxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah isgoysyada Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer, Danwadaagaha iyo wadooyin kale oo jidcadayaal ah.

Sidoo kale waxaa jira jidad weli xiran oo ay yaallaan dhagxaan iyo carro tuur horey loogu xiray, si loo hakiyo isticmaalka gaadiidka.

Shacabka Muqdisho oo horey dhibaato ugu qabtay wadooyinka xiran, islamarkaana saaka ku soo toosay jidadka qaar oo la furay ayaa soo dhoweeyey tallaabadaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo haatan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-2 2-2 3-1 4-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this