Deeq A. Posted October 5, 2020 Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa Kismaayo ku soo bandhigtay saddex ruux oo laga soo qabtay gudaha magaalada, kuwaas oo hay’addu sheegtay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland G/sare Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo, ayaa shaaciyay in saddexda eedaysane ee la qabtay ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay khalkhal gelin amni ka wadeen gudaha Kismaayo. Cabdiqayuum Sheikh Cabdirisaaq Muuse, Xuseen Cabdisamad Sheikh Daahir iyo Maxamed Cabdiraxmaan Bashiir, ayaa dhammaantood qirsan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, sida uu xaqiijiyay Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland. G/sare Khaalid Cabdullaahi, wuxuu tilmaamay in mid kamid ah Ragga la qabtay oo magaciisu yahay Maxamed Cabdiraxmaan Bashiir, uu watay kaar shaqaale dowladeed, kaas oo uu ku qaldi jiray Laamaha Amniga, balse markii dambe lagu fahmay. Sidoo kale, wuxu xusay in kooxdan oo u hawl geli jiray qaab shabakadeed ay dhibaato amni iyo khalkhal gelin ku hayeen Shacabka ku nool magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo qabatay Shabakad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites