Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma ninkan ku hawlan badbaadada Madaxweyne Trump?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa kuma ninkan ku hawlan badbaadada Madaxweyne Trump?

Dr Conley wuxuu tan iyo sannadkii 2018 ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Trump

Tan iyo intii loo dhigay Madaxweyne Trump isbitaalka milatariga ee Walter Reed National fayraska korona ee laga halay awgii, dhakhtar gaar ah ayaa guudka u ritay dawayntiisa. Waxa la yidhaa Sean P Conley oo ah dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad.

Markii la shaaciyey Jimcihii in Madaxweyne Trump laga helay fayraska korona, ayaa dhakhtarkan gaarka ah ee Aqalka Cad oo aan dadku hore wax badan oga aqooni waxa uu haatan noqday qofka qudha ee laga heli karo xogta ku saabsan kolka sida ay tahay xaaladda madaxweynuhu.

 sean.jpg

Sean Conley waa taliye ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, waxaanu ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Trump tan iyo 2018. Arinta lagu rumaystay qoraalkii Trump Twitter-ka ku baahiyey ee ahaa in isaga iyo marwada koobaad laga helay fayraska korona waxay ahayd xog laga helay Conley.

Isaga oo ka soo baxay isbitaalka oo ay dabo taagan yihiin koox dhakhaatiir ahi Sabtidii, ayaa Dr Conley uu shir jaraa’id ka sheegay warbixin yididiilo leh oo ku saabsan xaaladda Trump. Wuxu yidhi madaxweynuhu “aad buu u fiican yahay” oo “mooraalkiisuna aad buu u sareeyaa” tan iyo habeenkii Jimcaha ee uu isbitaalka ku jiray.

Shirkaas jaraa’id ayaa indhaha shacabka Maraykanka ku soo jeediyey Dr. Conley oo wax ka duwan u soo bandhigay shacabka wixii markii dambe madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Marka Meadows, u sheegay warfidiyeenka.

Waa tan hadaba inta laga yaqaan Dr. Conley.

Wuxuu noqday dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha laba sano ka hor

Dr. Conley wuxuu shaqada dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad qabtay sannadkii 2018 oo uu kala wareegay Dr. Ronny L. Jackson oo loo magacaabay xog-hayaha waaxda daryeelka askarta dagaaladda galay.

Dr. Jackson wuu iska casilay magacaabiddaas oo waxa ku soo baxay eedo ah in aan habdhaqankiisa goobta shaqo haboonayn, ka dib na Trump ayaa dallacsiiyey oo u magacaabay in uu noqdo kaaliye madaxweyne iyo la taliyaha guud ee caafimaadka ee Aqalka Cad. Haatanna waxaabu u tartamayaa baarlamanka gobolka Texas.

Conley waxa uu sidoo kale 2014 noqday agaasimaha waaxda caafimaadka dhimirka ee isbitaalka NATO oo ku yaal gobolka Kandahar ee Afghanistan. Waana halkaa goobta ay isaga iyo kooxdiisu ku mutaysteen abaal marin ay siisay xukuumadda Romania oo ku maamuustay sidii ay u daweeyeen askar ka tirsan ciidankeeda.

Dr Conley iyo dhakhaatiirta kale ee dawaynaya Trump
Dr Conley iyo dhakhaatiirta kale ee dawaynaya Trump

Waa dhakhtar lafaha ku takhasusay

Sida ku cad diiwaanka gudida caafimaadka gobolka Virginia, Dr. Conley wuxuu ka baxay kulliyadda Philadelphia College of Osteopathic Medicine sannadkii 2006.

Wuxuu taageeray in Trump qaato dawada hydroxychloroquine

Bishii May ayaa Dr. Conley dadku aad ugu soo jeesteen markii uu sheegay in Trump oo uu dhakhtarkiisa gaarka ah yahay bilaabay qaadashada dawada hydroxychloroquine oo ah dawo loogu daweeyo kaneecada ama malaariyada.

Khubaro badan aya su’aal geliyey wax tarka dabiib iyo ka hortag ee lagula tacaali karo Covid-19 in kasta oo Trump ku andacooday in ay wax tar leedahay.

Hay’adda cunnada iyo dawooyinka Maraykanka ayaa digniin ay soo saartay bishii Abriil ku sheegtay in dawadaa loo adeegsan karo oo keli ah tijaabooyinka ay isbitaalladu samaynayaan. Waxay sidoo kale sheegay in dawadaasi halis ku keeni karto garaaca wadnaha.

Warqad uu qoray bishii May oo uu ku faahfaahinayey adeegsiga Trump ee dawada hydroxychloroquine, ayaa Dr. Conley ku sheegay in madaxweynuhu “go’aan ku gaadhay in faa’iidada laga heli karo dawadaasi ay ka badan tahay halista ka dhalan karta.”

Shirkii jaraa’id ee uu Sabtidii qabtay, ayaa Dr. Conley wuxuu warfidiyeenka ugu sheegay in Trump aanu haatan qaadanayn dawada hydroxychloroquine.

“Waanu ka wada hadalnay” ayuu yidhi Dr. Conley “wuu i waydiiyey. Haatan ma qaadanayo dawadaas”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this