Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee R/W Rooble loogu soo dhoweeyey Kuwait? (Video iyo Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuwait (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait, isagoo ka qeybgelaya tacsida iyo ducada amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Rooble uu berri booqan doono qabriga amiirka geeriyooday, sidoo kalena uu hambalyo u gayn doono amiirka cusub ee lagu beddelay amiir Sheekh Nawaf bin Al-Axmed Sabaax.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu Rooble dalka uga baxo tan iyo markii xilkaas loo magacaabay.

Sheikh Sabah ayaa geeriyooday 29-kii September, kadib muddo uu xanuunsanaa waxaana dalkaas lagu aasay isla maalinkii xigay ee 30-kii September. Waxaa uu ahaa 91 jir.

Safarka ra’iisul wasaare Rooble ee Kuwait ayaa imanaya ayada oo weli uusan soo dhisin xukuumad cusub, taasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo marka uu dalka kusoo laabto toddobaadkan.

Hoos ka daawo Cawad oo ka warbixinaya safarka Rooble.

120602347_2812494392315010_8551337333287 120776779_2812496932314756_1375489723212 120724167_2812496618981454_5716518420542

The post Sidee R/W Rooble loogu soo dhoweeyey Kuwait? (Video iyo Sawirro) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this