Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka run ah walaaca laga qabo diyaar-garowga mucaaradka ee doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka jawaabay warar sheegaya in musharaxiinta mucaaradka aaney u diyaarsaneyn wakhtigan doorashada dalka ka dhaceysa.

Jadwalka doorashada ayaa lasoo gudbiyay iyadoo shanta bilood ee soo socota wax walba lagu dhameyn doono, hase ahaatee waxaa jira guux siyaasadeed oo qeexaya in siyaasiyiinta mucaaradka aaney wakhtigaan diyaar u aheyn tartan.

Xasan Shiekh wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inuu ka qeyb galaan tartanka doorashada, walow ay jiraan siyaasiyiin laga yaabo iney jeebkooda uga haraan tartanka soo socda ee la filayo inuu noqon doono mid aad u adag.

Inta badan guuxa ah in mucaaradka aysan diyaar u ahayn doorashada, ayaa la rumeysan yahay inuu ka socda dhanka taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, ka sokow diyaar la’aanta, cabsida ugu badan ee jirta ayaa ah in sababta ugu weyn ee mucaaradka ay ku lumin karaan doorashada ay tahay isku duubni la’aantooda, oo doorashada laga dhex bixiyo.

Ka hor inta aan la waqtiyeyn doorashada, mucaaradka ayaa ah mid, hase yeeshee maadaama hadda la wada doonayo kursiga madaxweyne Farmaajo, waxaa la rumeysan yahay inay halkaas ku dhamaatay midnimadooda.

The post Maxaa ka run ah walaaca laga qabo diyaar-garowga mucaaradka ee doorashada? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this