Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo wax ka qabaneyso sicir bararka suuqyada maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay ganacsatada deegaanada maamulkaasi ayaa kala hadlay saameynta ka dhalatay sare u kaca ku yimid sarrifka lacaga Dollarka iyo hoos u dhac laga dareemayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

Kulankan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo yaren lahaa sicir bararka ku yimid sarrifka lacagahaasi ee suuqyada Puntland.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa ganacsatada ku boorrisay inay laba jibaaraan shaqadooda, islamarkaana ay u taraan dadkooda, gaar ahaan kuwa liita.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Cabdi Qowdhan ayaa ka hadlay waxa keenay sicir bararka baahsan ee dhinaca sarrifka Dollarka, wuxuuna sababta ku sheegay in deegaanada maamulkaasi loo soo raray lacagaha Shilinka Soomaaliga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu ku eedeeyey dowladda dhexe inay dayacday lacagta Shilinka Somaaliga, islmarkaana ay Canshuurta ku qaado Dollar sidoo kalena shaqaalaheeda iyo ciidamada ku siiso mushaaraadka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay shacabka ku dhaqan deegaanada maamul goboleedka Puntland ay ka cabanayeen sare u kac ku yimid sarrifka lacagaha Dollarka, waxaana Puntland arrintaasi u xil-saartay guddi gaar ah oo wax ka qabanayo xaaladda sicir bararka iyo sidoo kale cabashada ka soo yeereysa dadweynaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this