Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta u amba-baxay dalka Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal-Wasaaraha Cusub ee Dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray dalka Kuwait.

Ujeedada safarka ra’iisalwasaaraha ee dalka Kuwait ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah Al- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareynkanka 29-kii  Bishii September ee sanadkaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku sii sagootiyay Ra’iisal wasaaraha Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto,waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carabta iyo Islaamka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

120844619_2812210639010052_8238143669851 120844676_2812208555676927_4573725702190

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this