Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddi Baarlaman oo su’aalo weydiiyay mas’uuliyiinta hay’ado cabashooyin soo gudbiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-1.jpg?resize=1000%2C628&ssl=1

Guddiga Golaha Wakiillada Dawladda Puntland u xil-saareen in ay ka soo talo-bixiyaan soona lafa guraan cabashooyinkii ay Golaha Wakiillada u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adahaas.

Guddiga ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Madaxda Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL si ay xog-dheeraad ah uga helaan Cabashooyinkooda oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay la xiriira shaqadaha hay’adahaas iyo jiritaan cabashooyinka ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa warbixintooda dib-ugu celin doona fadhiga 5-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Guddi Baarlaman oo su’aalo weydiiyay mas’uuliyiinta hay’ado cabashooyin soo gudbiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this