Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo war ka soo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Ereteriya

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-2.jpg?resize=1000%2C681&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya.

War ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay  ka wada-hadlayaan hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal, sida ay shaacisay Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo war ka soo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Ereteriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this