Deeq A. Posted October 4, 2020 (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu hayo xanuunka COVID19 ayaa xalay sii daayay muuqaal cusub oo uu kasoo duubay cisbitaalka uu kujiro, kaasoo uu ku sheegay inuu dareemayo inuu soo fiicnaanayo islamarkaana uu rajeynayo inuu dhaqso kusoo bagsoodo. Muuqaal afar daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlay ayuu ku sheegay in aanu fiicneyn markii la dhigayay cisbitaalka Walter Reed ee dulleedka Washington, kadib baadhitaankii la marsiiyay Jimcihii ee laga helay xanuunka. Laakiin waxuu sheegay inuu aad u fiican yahay hadda islamarkaana ay si adag uga shaqeynayaan inuu dib usoo kabto, isagoo intaasi ku daray in ayna garaneynin sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socda oo uu sheegay inay mari doonaan tijaabada dhabta ah. Trump codkiisa ayaa laga dareemayay waxoogaa daal ah intii muuqaalka uu socday, laakiin wuxaa ka muuqday niyad wanaag waxuuna sheegay inuu u dagaallamayo mallaayiin dad oo dunida daafaheeda ku nool kuwaas oo la ildaran Virus-ka, isagoo intaasi ku daray inay ka adkaan doonaan cudurka COVID19. Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howlan, dadweynaha Mareykanka iyo hoggaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen. Xanuunka COVID-19 ee ku dhacay madaxweyne Trump ayaa imanaya, muddo bil ah ka hor inta ayna dhicin doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 3-da November. Source Share this post Link to post Share on other sites