Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjiraha Midowga Yurub Oo Si Adag Ugua Hadlay Soomaaliya, Soomaaliland, Iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Odhaahda Maanta (Talk of the Town)

Danjiraha Midowga Yurub oo si Adag Ugua Hadlay Soomaaliya, Soomaaliland, iyo Itoobiya

Dhamaadkii bihsa Ogasti ee sanadkan (August 2020), Ambassador Alex Rondos oo lagu macsuumay xarunta cilmibaadhsita ee Woodrow Wilson ayaa si xiiso leh uga hadlay Geeska Afrika, Kenya, Soomaaliland, Soomaaliya, iyo Itoobiya. Waxa hadalka daadihinayey Marwo Baroness Catherine Ashton oo ka soo shaqaysay Soomaaliya xiliyadii adkaa.

Geeska Afrika: Si fiican iskugu tolana. Waa deegaan ku dhow ubucda Yurub. Midowga Yurubna iskama indha tiri karo dhibta siyaasi, dhaqale, nabad galyo, iyo istimaaci ee Afrika.

Geeska Afirka dhibaatada 1aad waa maafiyada afdoobta oo ka jaqda miida dhaqaale tu dibad ka timaad iyo tu kale ba. Musuqmaasuqu waa arin lagu sifayn karo afdoob buuxa oo ku yimid dhaqaalaha umaddahan. Maafiyadan dhaqaale waxa kow ka ah madaxda inaba aan musuqa ka xishoon iyo Alshabab oo ku sifowday argagixiso dhaqaale.

Ma arko, ayuu danjiruhu yidhii, in fa’iido ka iman karto lacagaha ay Yurub gacantu ugu shubayso madax la ogyahay in ay ku can baxeen xotooyo xoolo umaddeed.

Yurubna arintaas waa in ay ka fiirsata si adagna u qiimaysaa.
Kenya: waa qowad dhaqaale ee Geeska Afrika. Haday Kiinya haleesho gudoonka Kenya, oo ah arin la filanayo, waano soo dhaweynaynaa – Geeska wax wey ay Kenya ka qaban doontaa. Waan soo daweynaynaa. Damqoraadiyadeedu waa koboc fiican.

Soomaliland: Gooni isu taaga Soomaliland waxay u taal AU, dawladaha jaarka iyo Soomaaliya. Soomaaliland haday ku taal Gobole laba dal oo ku guulaystay gooni isu taagay ictiraafna helay, waxay iyana quudaraynaysaa in ictiraaf la siiyo. Hase yeeshe, waa in ay Soomaaliland aanay ka weecan jidka nabadda iyo doorashooyin, inkasta ood baryahan qudheedu afka cara dartay (right now you bit ran into the sand).

Anigoon diidanay heegisaga umadda, hadana waxa dantu ku jirtaa in Soomaalidand ka firkirto sidii ay uga bixi lahayd khaanada ay ku jirto. Gobolku midnimo ayuu u hayaamay Soomaalilandna helka ka gali lahayd iyo doorkeeda waa in ay ka fakirtaa.

Soomaaliya: Aad ayuu uga dayriyey, Danjiruhu, sida Mareykanku wax u wadaa, gaar ahaan arimaha Al-shabab. Al-shabab iyo argagixisada Soomaaliya taagero lacageed waxay ka helaan dalka gudihiisa. Stratajiyada ah in dhibta Al-shabaab dil lagu xaliyo ma suurtoobayso.

Duuduub ahaan, waxa uu Al-shabaab ku tilmaamay maafiya ama budhcad, sidaas darteedna waa in sida budhcada wax looga qabtaa. Diinta iyo Al-shabaab yaan la isku tolin ayuu sheegay Danjiruhu.

Itoobiya iyo R/W Abiy: Waa dal boqol milyoon ku noolyihiin oo gabi ka laalaada. Itoobiya waa HAR ama DAM oo hadii gabigu jabo, waa kala tag. Nidaamka federaalkuna waxa uu ka turjumayaa triikhda dalka inkasto caqabado ka jiraan nidaamka federaalka.

Isagoo hadalka siiwata wax uu yidhii, “waa in aynu R/W Abiy ku dhiiri galino in aanu dagdagan qorshe nadaamsana ku socdo.”

Digniintaasi oo kalena waxa uu u jeediyay xoogaga kale ee siyaasad ku jira. Itoobiya xiligii khatar wayni soo foodsaartay ayaa lagu jiraa, ayu Danjiruhu yidhii.

Isagoo sii wata, “waxaanu fahamsanahay in dalku xili xaasaasi ah marayo. In aanu R/W Abiy talo siino waa nugu waajib. Waxaananu diyaar u nahay in aanu runta u sheegno anagoo ka duulayna danahayaga.”

Halkaas kuma joojine waxa uu raaciyey “ma hubo in aanu EU ahaan wali si dhab ah ula hadalnay ama aanu runta u sheegnay. Ilaa hadeer waxaanu u dhaqaynay sidii ilmo yar oo la xanaanaynayo (so far we treated Ethiopia with kid gloves).”

“Arimaha Itoobiya waa in aad si cad cad uga muuqanaa, EU ahaan ayu uku daray. Haday Itoobiya qaraxdo oy kala daadato, waa sida uu hadalka u dhigee, wax yeeladeedu aad ayey uga xumaan doontaa dhibtii laga arkay Yuguslaafiya. Yuguslafiya hos ayey iskugu duntay (“implosion”). Haday Itoobiya qarxo, waxay noqondoontaa qarax dhul gariir (“Explosion”) oo fatihiisu saameeyo Geeska Afrika oo dhan.

Fatal rooble

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this