Sign in to follow this  
Deeq A.

khasaaraha ka dhashay dagaalkii faraha looga gubtay ee Azerbaijan iyo Armenia

Recommended Posts

Deeq A.   

khasaaraha ka dhashay dagaalkii faraha looga gubtay ee Azerbaijan iyo Armenia

.

Kooxaha gooni u goosatada ah ee gobolka Nagorno-Karabakh ayaa ciidmaada Azerbaijan ku eedeeyey in ay weerar culus oo gantaalo ay u adeegsadeen ay Sabtidii ku soo qaadeen magaalada madaxda gobolkaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Karabakh ayaa sheegay in Azerbaijan ay dagaalkaas u adeegsatay diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn iyo taangiyo balse ay iska caabbin kala kulmeen dagaal-yahannada gooni u goosatada ah.

Weerarka ayaa yimid toddobaad kaddib markii dhinacyada uu khilaafku ka dhexeeyo ay hubka cul-culus is waydaarsadeen.

Dagaalkaan ayaa ah kii ugu xumaa ee dhex mara labada dal tan iyo sagaashameeyadii, arrintaas oo kordhin karta khatar ah in dagaallo kale ay gobolkaas ka qarxaan. Waxaana jira walaac isa soo taraya kaddib markii dalalka Ruushka iyo Turkiga ay ku lug yeesheen dagaalka ka socda Koonfurta Qooqaas oo ay dhex maraan dhuumaha shidaalka iyo gaaska ee aada suuqyada caalamiga ah.

 

Inta la xaqiijiey waxaa dagaalka oo Axaddii hore bilowday ku dhintay 200 oo qof oo 30 ka mid ah ay rayid yihiin.

Wadahadalo ku saabsan xiisadda siyaasadeed ee Armenia oo ka dhacaya caasimada dalkaasi

.
Wadahadalo ku saabsan xiisadda siyaasadeed ee Armenia oo ka dhacaya caasimada dalkaasi

Wadahadalo ku saabsan xasaradaha siyaasadeed ee ka alloosan dalka Armenia ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay ka qabsoomaan caasimmadda dalkaasi ee Yerevan.

Dalka oo dhaca xadka qaaradaha Aasiyo iyo Yurub, horayna uga tirsanaa midowgii Soviet-ka ayaa hogaamiyaha mucaaradka ee dalkaasi Nikol Pashinyan oo isagu horkacayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda wadankaasi ayaa sheegay in waxa keliya ee ay ka wadahadlayaan ay tahay iscasilaada raysal wasaaraha dalkaasi Serzh Sargsyan, iyo sidii uu xilka u wareejin lahaa.

Mr Pashinyan ayaa kumanaan qof oo dibadbaxayay u sheegay in raysal wasaare Sargsyan uusan fahansaneyn waaqica jira, balse Sargsyan ayaa dhankiisa sheegay in sababta uu ugu baaqay wadahadalka ay tahay in laga hortago dhibaatooyin aan laga soo waaqsan Karin.

Dadka dibadbaxa dhigaya ee dalkaasi ayaa ka carooday wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka dalkaasi, taasi oo keentay in awooda laga wareejiyo madaxweynaha dalka, loona weeciyo raysal wasaaraha.

Wax ka bedelkaasi lagu sameeyay dastuurka Armenia ayaa waxaa ansixiyay raysal wasaaraha imika lagu dheganyahy.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this