Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo dalka uga baxayo safarkiisii u horreeyey+Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta la filayo in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu dalka dibaddiisa ugu amba-baxo safarkiisii ugu horreeyay, tan iyo markii loo magacaabay xilkan 17-kii Sebetmber.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qeyb gali doona tacsi dalka Kuwait maanta loogu sameynayo amiirkii dalkaas Sheekh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah oo ku geeriyooday Mareykanka.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in safarkan markiisii hore loo qorsheeyay madaxweyne Farmaajo, balse uu shalay u baxay dalka Suudaanta koonfureed.

Safarka Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uusan soo dhisin xukuumaddiisa oo ay hortaallo shaqo adag oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this