Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidanka Xoogga oo mareyey duleedka Awdheegle.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay dagaalkaasi ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegtay weerarkaas iyo dagaalka xigay, waxaana ay shaacisay inay ku dishay 9 askari, kuna gubtay gaari dagaal, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this