Sign in to follow this  
Deeq A.

KHAYRE oo maanta safar dibadeed uga baxay dalka + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey uga baxay dalka, tan iyo markii ay codka kalsoonida, si lama filaan ah ugala noqdeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Khayre ayaa ku sii jeeda dalka jamhuuriyadda Jabuuti, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Jabuuti uu kulamo gaar gaar ah kula qaato madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono arrimo ay ka mid ah tahay doorashada 2020/21.

Socdaalkiisa wuxuu ku soo aadayaa, xilli heshiis mideysan laga gaaray doorashooyinka dalka, islamarkaana la soo soo saaray jadwalka iyo sida loo wajahayo doorashada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka mid ah musharraxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan xil ka madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, wuxuuna bilaabay ololihiisa ku aadan doorashada 2020 illaa 2021-ka.

Khayre ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray ku sugnaa Muqdisho, isagoo kulamo kula qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin afhayeenkii hore ee baarlamaanka,  Maxamed Sheekh Jawaari iyo guddoomiyaha aqalka sar, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

The post KHAYRE oo maanta safar dibadeed uga baxay dalka + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this