Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowlada iyo Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo koox ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dableey ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo  dhaawac uu dhex-maray Ciidamada dowladda iyo  Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada dowladda dagaalka, kadib ay sii wateen socdaalkooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, kaas oo ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarka ku dishay ilaa 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, sidoo kalena ay gaari ka gubeen.

PUNTLAND POST

The post Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowlada iyo Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this