Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo la kulmay Madaxda Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
Hir.jpeg?resize=720%2C960&ssl=1

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Kheyre, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay  Danjire Francisco Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM Jeneraal Ndegeye.

Labada dhinac ayaa kulanka xoogga ku saaray  howlgalada ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga degaannada Hirshabeelle.

Sidoo kale, Wasiirka amniga Hirshabeelle, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo General Ndegeye ayaa isla soo hadal qaaday amniga doorashooyinka Hirsahabeelle iyo sidii loo sugi lahaa.

Maamulka Hirshabeelle, ayaa galaya marxalad doorasho, maadama mudda xilleedka dastuuriga ah ee maamulka uu dhammaadyahay.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo la kulmay Madaxda Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this