Deeq A. Posted October 4, 2020 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Axad ah safarkiisi u horreeyay tan iyo markii la magacaabay ugu baxaya dalka dibaddiisa. Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa safarkiisa ku tegaya waddanka Kuweyt, halkaas oo uu kaga qayb-gelayo tacsida Amiirkii dalkaas Sheikh Sabaax oo geeriyooday 29-kii bishii September ee la soo dhaafay. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble waxa la filaya in mudada uu joogo Kuweyt uu la kulmi doono Amiirka cusub ee dalkaas iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kuweyt, isagoo kala hadli doona xiriirka labada dal iyo iskaashigooda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo Maanta u safraya dalka Kuweyt appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites