Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa la isugu beegay qabashada tartanka kubbadda cagta DG iyo G/Banaadir iyo doorashada 2020/2021?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaadka sanadkan ay qaban doonto tartanka kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dhowr sano aan la qaban.

War ka soo baxay siiyahaya wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu sheegay in bisha December ee dhammaadka sanadkan 2020 la qaban doono tartanka kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiir Khadiijo ayaa tilmaantay in qabashada tartankan uu mas’uul ka yahay Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, ayna fududaynayso wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Tartanka kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadiir ayaa markii ugu dambeysay ee la qabto waxay ahayd 2017, markaas oo ku guuleystay xulkii matalayay Jubbaland.

Xiliga la sheegay in la qabanayo tartankan ayaa ah xili lagu mashquulsan yahay doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

111111.jpg?resize=710%2C957&ssl=1 222222.jpg?resize=721%2C952&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxaa la isugu beegay qabashada tartanka kubbadda cagta DG iyo G/Banaadir iyo doorashada 2020/2021? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this