Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay qorshe la xiriira doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen Madasha Qaranka.

Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Ra’iisul Wasaara Rooble ku sheegay in  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this