Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Juba kaga qayb-galaya Munaasabada dhaqan-gelinta Heshiiska Nabada Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee  Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Juba kaga qayb-galaya Munaasabada dhaqan-gelinta Heshiiska Nabada Sudan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this