Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Suudaan oo Heshiis la gashay Jabhado hubaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Sudan iyo dhowr jabhadood oo hubaysan ayaa maanta oo Sabti ah galay heshiis nabadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo tobanaan sano oo colaad ah oo ay malaayiin qof ku barakeceen, boqolaal kun oo qofna ay ku dhinteen.

Saddex kooxood oo waaweyn ayaa bishii August kala saxiixday heshiis hordhac ah ka dib bilooyin wadahadallo nabadeed ah oo uu martigeliyey dalka deriska ah ee Koonfurta Sudan.

Jabhad kale oo awood badan, oo lagu magacaabo the Sudan People’s Liberation Movement-North garabka uu hogaamiyo Abdelaziz al-Hilu, oo aan ka qayb-gelin wadaxaajoodyadii nabadeed ee ugu horreeyay, ayaa oggolaatay bishii hore in la qabto wadahadallo cusub oo ay martigeliso Koonfurta Suudaan.

Hogaamiyeyaal ka socda Kenya, Ethiopia, Soomaaliya, Chad, Masar iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Suudaan oo Heshiis la gashay Jabhado hubaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this