Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Norweyjiyaana oo dilay taksiile Soomaali ah oo la soo taagay Maxkamad 

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Norweyjiyaana oo dilay taksiile Soomaali ah oo la soo taagay Maxkamad

 police.jpg

Maxkamada magaalada Trondheim ee dalka Norwey ayaa waxaa ka bilaabmatay dhageysiga dacwada maxkamadeynta nin 40- jir u dhashay dalkaas oo ku eedeysan inuu si kama’ ah baabuur u jiidhsiiyay una dilay taksiile Soomaali ah.

Falkan ayaa bishii Disember ee sanadkii la soo dhaafay(2019) ka dhacay xaafada Ranheim ee degaan ahaan ka tirsan magaalada Trondheim. Waxaana wiilka taksiilaha Soomaaliga ee geeriyooday lagu magacaabi jiray Siidi Suudi Hassan oo 29 sano jir ahaa.

Haweenay saarneyd taksiga Siidi Suudi ayaa Maxkamada ka hor cadeysay in baabuurka wiilka Soomaaliga ah ee geeriyooday ay qabsatay cilad dhanka taayirka (Shaaga), waxaana uu istaagay wadada isagaoo isku dayay inuu baabuurka ka baxo, si uu u hubiyo cilada qabsatay. Balse waxaa isla markiiba jiidhay oo dilay baabuur xamuul ah oo uu waday ninka maxkamada la soo taagay.

Xeer ilaalinta dowlada ee kiiska ku soo oogaya ninka ku eedeysan danbiga dilka ah, ayaa sidoo kale keenay markhaati afaraad oo ahaa darawalka waday baabuurka daba-socday baabuurka dilay taksiilaha soomaaliga ah. Kaasoo maxkamada kahor cadeeyay inuu darawalka baabuurka wax jiiray waday uu heystay waqti ku filan oo ku fal-celin karay ama uu baabuurka uga leexin karay dhinaca uu taagnaa taksiilaha geeriyooday.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka baabuurka wax jiidhay waday uu adeegsanayay mobilkiisa gacanta, xiliga uu falku dhacay. Taasoo ka mashquulisay inuu la socdo waxa ka dhacayo hareeraha wadada uu marayay.

Qareenka u doodaya wiilka Soomaaliga ah ee geeriyooday ayaa dalbaday in qoyska uu ka tagay marxuumka la siiyo magdhow gaarayo 375.000 kr.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this