Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo ka walaacsan xaaladda muhaajiriin ay Soomaali ku jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda xaquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xaaladda xerooyinka la geeyo dadka muhaajiriinta ay yihiin kuwa aad u liita, iyadoo dadka aysan helin waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha

Koox ka socotay QM ayaa dhawaan booqday jasiiraddaasi iyagoo la kulmay 76 lix ruux oo ka mid ah muhaajiriinta oo ka soo jeeda 25 dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dadkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in bilooyin ka hor la soo qabtay iyagoo xusay in aysan helin qareeno u dooda iyo wEliba adeegyo muhiim u ah noloosha.

Qof ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa uu sheegay in xabsi ay ku jireen markii ay joogeen Liibiya, balse markii ay soo galeen Yurub ay galeen xabsi kale.

Ugu dambeyn QM ayaa ku baaqday in tallaabo wax laga qabto dhibaatooyinka ay dadka muhaajiriinta ah ay kala kulmaan Liibiya, safarada Badda iyo marka ay tegaan Malta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this