Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo Safar Deg-deg Ah Ugu Ambabaxay Koonfurta Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socday ayaa u dhoofay Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan, waxaana safarka Madaxweynaha uu ahaa mid aan hore loo sii shaacin.

Lama oga ujeedka safarkaan deg-dega ahaa ee Madaxweyne Farmaajo ugu ambabaxay Magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan.

Sidoo weli ma jiro wax war ah oo ah kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan socdaalka Madaxweyne Farmaajo iyo Ujeedka safarkiisa uu saaka ugu baxay Koonfurta Suudaan.

La soco wixii kusoo kordha Warka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this