Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Norway oo meesha ka saartay shuruud sharci aheyd Muddo ah oo ay dhibaato ku qabeen dumarka muslimiinta ah ee xijaaban

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Norway oo meesha ka saartay shuruud sharci aheyd Muddo ah oo ay dhibaato ku qabeen dumarka muslimiinta ah ee xijaaban

passbilde.jpg

Dowladda Norway ayaa meesha ka saartay shuruud sharci aheyd oo soo jirtay in muddo ah taas ay dhibaato ku qabeen dumarka muslimiinta ah ee xijaaban iyo dadka kale ee diimaha kale haysta sida Singaha.

Sharcigan ayaa ahaa in uu dhagaha muujiyo ama soo saaro marka uu qofka xijaaban ama turban-ka xiran uu galayo sawirka loo adeegsanayo baasaboorka.

Wasiirad Monica Mæland (H) oo arrintan ay hoos timaado ayaa warbaahinta u sheegtay in ay shacigan meesha ka saareen sanano la xiriira dad gaar ah oo uu aad u taabanayo, balse hadafkiisii hore ahaa in lagu xoojiyo amniga dokumintiga.

Dadka arrintani khuseysay ayaa soo dhoweeyay go`aanka dowladda, waxaana ay muujiyeen in ay dhib ku qabeen shuruudaasi mudada soo jirtay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this